Dhageyso: MD Galeyr ”Khaatuma kama qeyb galayso dhismaha baarlamaanka cusub ee dowladda dhexe”

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada cusub ee ka iman doona deeggaannada maamulka Khatumo ku abtirsada.

Cali Khaliif Galeydh wuxuu kaloo sheegay in maamulkiisu aanu qeyb ku yeellan doonin soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto.

Hadalka Cali Khaliif Galeydh ayaa jawaab u ah madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu sheegay in isimada Puntland ay soo xuli doonaan xildhibaannada Sool iyo Sanaag ka iman doona.

Halkan ka dhagayso wareysiga VOA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.