Degdeg: Ra’isul wasaare Sharmaake oo Wasiir cusub u magacaabay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Guuleed Xuseen Qaasim, iyadoo xilkaas loo magacaabay mudane Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Wareegtada ayaa sidan u Qorneyd :

Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisulwasaaraha dalka ayaa lagu yiri; markii uu arkay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka.

Markii uu arkay; xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu arkay ; baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.