Degdeg: Ciidamada Dowladda oo gacanta ku soo dhigay Sarkaal ka Tirsan Alshabaab.

Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay ka sameeyeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay Salkaal ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir , C/fataax Cumar Xalaneu sheegay Warfididyeenada.

Xalane, ayaa sheegay in xalay ciidamada ammaanka howlgalka ay sameeyeen si nabad ah u dhacay isla markaana lagu guuleystay in ninkaas gacanta lagu soo dhigo.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta lagu soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa”ayuu yiri Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu horay u hogaamiyay dagaalo iyo weeraro lagu qaaday ciidamada dowladda federaalka iyo AMISOM.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaas oo howlgalo amni ay ka socdeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.