Wasiirka amniga Puntland oo mar kale ku celiyay in la mamnuucay Itoobiyaan Garoowe ku sugan

Wasiirka Amniga maamulka Puntland ayaa ka hadlay  Qodobo horay Amaanka Looga soo Saaray oo Aan dhaqan-galin.

Wasiirka Ammaanka Maamulka Puntland ayaa digniin u jeediyay  Laamaha amaanka ee aan fulin  qodobada wasaaradu ay  ka soo saarto sugidda ammaanka degaanada Maamulkaas.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi xirsi cali Qarjab ayaa shir jaraa,id uu maanta ku qabtay Magaalada Garowe kaga hadlay qodobo la xiriira amaanka oo horay wasaarada Amniga Puntland u soo saartay balse aan Fullin.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa hay,adaha Amniga ku Eedeeyay inay ka gaabiyeen qodobo wasaaradu oga soo saartay Amaanka, waxaana uu sheegay inay fulin waayeen hay,adaha qaar shaqooyinkii loo igmaday, waxaana uu ka codsaday laamaha nabadgalyada wadashaqayn wanaagsan inay la yimaadaan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay inay waajib ay tahay in si wadajir ay Laamaha Nabadgalyada u wadashaqeeyaan islamarkaana ay dhaqan galaan qodobada ay  soo saarto Wasaarada Amniga Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.