Xildhibaan ka tirsan Galmudug iyo haweenka gobalka Mudug oo eedeeyay Itoobiya

dagal

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku baaqday in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalada qabaa’ilka ku salaysan ee ka taagan degaano  ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Canab Maxamed   Osoble   oo  ka mid ah Barlamaanka Maamulka Galmudug  ayaa sheegay in  baaritaan ku  samayn doonaan  dhinacyada ku lugta leh dagaalada gobolkaas ka socda.

Canab waxa ay hoosta ka xariiqday in ka Maamul ahaan ay ka xun yihiin dagaalada  dadka badan ku  dhimanaya ee ka jira degaanada Gobolka galgaduud

Haweenka gobalka Mudug ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay tacadiyo u geysatay qoysas u badan reer guuraa oo ku nool deegaanno ku yaalla xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen haweenkani ayaa waxay ku sheegeen in ay cambaareynayaan tacadiyada ciidanka federaalka Itoobiya ka wadaan xuduudda Galgaduud iyo IToobiya.

Waxay sheegeen in dad u badan maato ay halkaasi ku xasuuqeen iyagoo ku soo weeraray baabuurta dagaalka, waxayna ku baaqeen in haweenka gobalka Mudug in arrimahaasi wax laga qabto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.