Roobab xooggan oo ka curtay deegaanno ku yaalla gobalka Gedo

Wararka naga soo gaaraya deegaanno ku yaalla gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay ka da’een 12-kii saac ee la soo dhaafay.

Deegaannada Likooleey iyo kuwa kale ayaa kamid ah deegaannada hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa laga dareemay roobabkani xooggooda.

Wararka ayaa sheegaya in roobabka ay biyo badan dhigeen deegaanka Likooleey halkaasoo ay ka dhasheen fatahaado iyo daadad ay sababeen.

Goobo ganacsi iyo guryo ay dadi deganaayeen ayay roobabkani maasheeyeen kuwaasoo ku yaalla deegaanka Likooleey.

Gedotimes ayaa idin soo gudbin doonta khasaaraha rasmiga ah oo ay daadadkaasi sababeen iyo dadka deegaanka oo arrintaasi ka hadlaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.