Birmingham Uk:Xaflad iyo Isxog Wareysi Kusaabsan Heshiiskii Kismaayo Ku dhexmarey Maamulka Jubbaland iyo Beel kamida

Wafdi balaaran Oo ay hogaaminayeen Nabadoon Cabdiraxmaan Xuseen (Odaywaa) Iyo Col. Cabdi Cusmaan Nuur ayaa Waxaa qado sharaf ay ku war bixinayeen loogu sameeyay magaalo madaxda labaad ee wadanka ingiriiska Birmingham.
Wafdigaan ayaa Waxaa safarkooda ku weheliyay Maxamed Muxumed Aadan Iyo sidoo kale Cabdiraxman Sh Xassan.

Wafdiga Waxay Ka warbixiyeen guud ahaan gobalka Jubbaland ayagoo Aad ugu dheeraatay Shirkii dib u heshiisiinta ee dhex maray beel kamida beelaha daga Jubbaland  Iyo maamulka jubbaland kaasoo Ka dhacay magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobalka jubbada hoose.

Shirkii Ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu soo jiitamayay mudo dheer waxaana Isku hawlay Isla markaasna guntiga u xirtay hir galintiisa Wasiirka Gaashaandhiga ee DF Somalia Gen. Cabdulqaadir Sh Cali Diini iyo Siyaasiyiin ayagoo ugu danbeentii ku guuleestay qabsoomidiisa guulna laga gaaray khilaafkii maamulka jubbaland laga tabanayay lagana sugayo maamulka Jubbaland inay fuliyaan qodobadii lagu heshiiyey.

Wafdigaan ayaa sidoo kale jamcadii shir noocaan Oo kale ah Isla markaasna si heersare ah loogu soo dhaweeyay ayay Waxay kala qeyb galeen jaaliyada magaalada London waxayna Ka jeediyeen warbixin midaan lamid ah wuxuuna ku soo idlaaday guul Iyo raynrayn.

Wafdiga ayaa sidoo kale Waxay jaaliyada ku dhiiro galiyeen in laga qeyb qaato dib u heshiisiinta lagu qabanayo magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, waxayna sheegeen in wafdi Ka bixi doona magaalada muqdisho aadi doona magaaladaas si loo xaliyo khilaafkaan mudada soo jiitamayay.

Ugu danbeentii Shirkii wuxuu ku soo dhamaaday Farxad Iyo soo dhaweyn Aad u sareysa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.