Daawo: Wafdi uu Horkacaayo Xoghayaha Joogtada Wasaarada Arimaha Gudaha DFS oo Kismaayo Gaaray.

Waxaa Maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo Xoghayaha Jogotada ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka professor yaxye, iyadoo ay safarkiisa ku wehliyeen Wasiirada arimaha Gudaha ee Maamul Goboleedyada Dalka.

Xoghayaha ayaa kismaayo u yimid shir wasaaradaha arimaha Gudaha ay yeelanayaan oo Kismaayo ka furmaya, waxaana shirkaasi kasoo qeybgalaya dhamaan Wasiirada arimaha Gudaha ee maamul goboleedyaada Puntland, Galmudug, koonfur galbeed iyo maamulka Martida loo yahay ee Jubaland.

Dowladda Federaalka ayaa kulankani soo qaban qaabisay, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey Wafdiga Xoghayaha Joogtada Masuulyiiin ka tirsan maamulka Jubaland oo uu horkacayay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jubaland Maxamed Warsame Darwish.

Maalmaha soo socda ayey kismaayo sii joogi doonaan masuuliyiintani oo uu shir halkaasi uga furmaayo looga hadlaayo arimaha Federaalka iyo nidaamka Saami Qeybsiga maamulada.]

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.