Dhageyso: Xildhibaan Ciyaar Jecel ”Suugaan ayaan ku soo bandhignay in meel aan amni ka jirin lagu noolaan karin”

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo qubarro dhinaca ciidanka wax ka yaqaan ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu daah furay Machad daraaseynaya Ammaanka.

Xafladdani oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay qubarro dhinaca ciidanka iyo dagaalka wax ka yaqaan kuwaasoo ku soo bandhigay sida ugu fudud ee amniga loo hanan karo.

Xildhibaannada ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dhowr siyaabo looga hortagi karo falalka ammaan darro ee magaalada Muqdisho iyo dalkaba ka dhaca.

Machadkani ayaa daraaseyn doona isla markaana cilmi baaris qoto dheer ah ku sameyn doona arrimaha amniga.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa ka hadlay kulankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.