Faahfaahin: Wafdiyo kala duwan oo gaaray magaalada Kismaayo iyo shirweyne ka furmay(Video+Sawirro)

Shir looga hadlayo hannaanka federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, kadib wafdiyo ballaaran oo gaaray halkaasi.

Wafdiga tagay Kismaayo waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Joogta ah ee wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim

Magaalada Kismaayo waxaa maanta Axad ah gaaray wafdiyo kale oo ka socda dowlad gobaleedyada kale ee wadanka ka jira kuwaasoo ka qeyb galaya shirkani..

Wafdiga waxaa hoggaaminayay xoghayaha joogta ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahima, waxaa kaloo qeyb ka ahaa maamulka gobalka Banaadir iyo wasiiradda arrimaha gudaha ee maamullada dalka sidda Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa soo dhoweyn kadib wuxuu magaalada Kismaayo maanta ka furay shirka looga hadlayo hannaanka federaalka oo dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada iyo maamulka gobalkani Banaadir ay ka qeyb galayaan

DSC_0388-1024x683 DSC_0385-1024x683

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.