XOG: Xiisad Colaadeed oo Caawa Kismaayo ka taagan…yey u dhaxeysaa???? “Akhriso”

Waxaa wali magaalada Kismaayo ka taagan Xiisadii ka dhalatay Soo xareyntiii Ciidamadii Sabca asharaaf ee korneyl barre Hiiraale, kuwaas oo horay kismaayo dagaal looga soo saaray.

Ciidamada oo dhawaan lagu soo xareeyey go’aan ay wada gaareen AMISOM ta Itoobiya ee Kismaayo ku sugan iyo Janaraal Fartaag Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi, ayaa waxaa arinkaasi ilaa iyo hadda ka hor imaadsan, Axmed madoobe iyo Ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga.

Axmed Madoobe iyo Kenyanka ayey ka go’antahay in Ciidamada oo hubkooda iyagoo sita lasoo xareeyey Hubka dhigis lagu sameeyo, inkastoo qorshahaasi guracan ay ciidamada Itoobiya diideen Bacdamaa ay iyagu damaanad qaadayaal ka ahaayeen soo xareynta ciidamadani.

Janaraal fartaag ayaa iminka u muuqda mid muujinaya Awoodiisa hogaamineed iyo midiisa matalaada Beeleed, tiiyoo ay dheertahay in garab adag uu ka haysto ciidamada Itoobiya, oo asaga kaga kalsooni badan Axmed Madoobe.

Xiisada ayaa caawa kismaayo ka taagan lamana oga wuxuu waaga ku bariisan doono, Maleyshiyaadka Axmed Madoobane waxay wacad ku mareen in ay weerari doonaan ciidamadani, Inkastoo itoobiya ay sheegtay in aysan gacmaha ka laaban doonin cidkastoo soo aada cidamada ay iyadu soo xareysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.