XOG: Muxuu kusoo dhamaaday Kulankii Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya Madaxtooyada Kismaayo ku dhexmaray.

Kulan la isku gabal dhacsaday ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo wuxuu ku dhexmaray Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Deegaanada Jubaland Korneyl Satisfy.

Kulanka oo diirada lagu saarayay ciidamadii dhawaan uu korneyl soo xareeyey ee Barre Hiiraale, ayaa aad loogu kala aragti duwanaaday waxa laga yeelaayo.

Axmed Madoobe ayaa taliyaha u sheegay in aysan suuragal aheyn in ciidankaas oo hubkooda wata ay kismaayo dhinac ka dagaan, isagoo soo jeediyey in hub ka dhigis lagu sameeyo deedna tababar loo furo,

Balse Korneyl Satisfy oo ka dharagsanaa damaca hogaamiye Madoobe, ayaa u sheegay in ay riyo tahay in ciidankaas uu damaanadooda hayo hubkadhigis lagu sameeyo badalkeedane wuxuuba carabka ku adkeeyey in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalka lagu xoreynaayo deegaanada Jubaland ee ay shabaabku maamulaan.

Hogaamiye Madoobe ayaa dhinciisa ku goodiyey in uu yahay Hogaanka Deegaanka lagama maarmaane ay tahay in la raaco, soojeedintiisa, isagoo taliye satisfy u sheegay in uu yahay taliye uuna u hogaansamo soojeedintiisa.

Balse Korneylka ayey sheegeen xubnihii kulankan goobjooga ka ahaa in Axmed uu riyoonaayo, uusana ogeynba awooda uu Kismaayo ku joogo in ay iyagu yihiin, wuxuuna wacad ku maray in ciidamada uu soo xareeyey cidii kusoo faragashato uusan gacmaha ka laaban doonin.

Arinta qalabeynta iyo dhisitaanka ciidankaas waxaa isku waafaqsan Itoobiyaanka oo Fartaag Garab ka helay, halka ay kasoo horjeedaan qalabeynta ciidankaasine, beesha Hogaamiye Madoobe, Qudhiisa iyo Ciidamada Kenyanka ah oo isaga lasafan, fuliyane dalabyadiisa.

Lama Oga waxa uu ku dambeyn doono xaalka Kismaayo oo sii xumaanayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, inkastoo hubanti ay tahay in awooda jubaland ee maanta ay itoobiya tahay, cid ka hor imaan kartane aysanba jirin.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.