XOG: Kenya iyo Itoobiya oo isku haya siyaasadda Jubaland cida Hormuudka u noqoneysa.

ciidan

taariiqdu markay ahayd 12th bishaan ayaa ciidan uu hogaamiyo barre aadan shire (barre hiiraale ) ay heshiis la galeen ciidamada amisom ee ku sugan magaalada kismaayo , si ay ciidankaasi usoo galaan magaalada kismaayo ugana mid noqdaan ciidamada jubbaland .
Ciidaankaan waxaa soo raray ciidamada Ethiopia ee ku sugan kismaayo , waliba ayagoo ugu tagay meeshii ay daganaayeen , isla markaana kasoo raray ,waliba qaab  aad u qurxan sida uu sheegay sargaal u hadlay ciidanka barre hiiraale, oo maalin kahor la hadlay warbaahintan Gedo Times.
kadib , markii ay ciidankaan barre hiiraale ay soo galeen magaalada kismaaayo ayay ciidamanka dowlada kenya isku dayeen in ay hubka dhigis ku sameeyaan ciidankaan , balse ciidankii barre hiiraale ayaa diiday in ay dhigaan hubka ayagoo taageero kahelayay ciidanka Ethoipia.

Ethiopia ayaa dhinaceeda sheegtay in aysan suuragal aheyn in ciidamadani oo ah ciidanki dowladda hub ka dhigis lagu sameeyo, iyag osheegay in ay ka qeyb qaadanayaan hawlgalka lagu xoreynaayo deegaanada Gacanta jubaland ka maqan.

Siyaasadda itoobiya iyo kenya ee jubaland ayaa aad u kala fog iyagoo lakala safan dhinacyada in muddo ah isku hayay siyaasadda deegaankaasi, taasi oo keeni karta isu dheeli tirnaan awoodeed in ay kasoo baxdo sida ay falanqeeyayaal siyaasadeed qabaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.