Degdeg: Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta oo Xilkaqaadis lagu sameeyey iyo Wasiir Cusub oo la magacaabay.

iyadoo waqti kooban un uu ka dhimanyahay jiritaanka xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa xalay Xafiiska Raisal Wasaaraha Wareegto kasoo baxday, xilka looga qaaday Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Mudane Guuleed Xuseen Qaasim, iyadoo xilkaasi loo magacaabay, masuul cusub.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ee Dowladda dhexe ayaa loo magacaabay Mudane Geelle Jaamac, oo kamid ahaa saraakiisha Urur Goboleedka IGAD, ee in muddo ah kasoo shaqeeyey Ururkaasi.

Geele Jaamac ayaa badalaya Guuleed Xuseen Qaasim oo sanad iyo barkii lasoo dhaafay xilkaasi hayay, lamana oga sababta xiligan isbadalkaasi loo sameeyey.

waa isku shaandheyntii labaad ee lasameeyo tan iyo intii uu Raisal Wasaaraha Dalka noqday Mudane Cumar Cabdirashiid Dabaayaaqadii Sanadkii tagay, ayey aheyd markii laba wasiir xilkaqaadis lagu sameeyey, iyadoo jagooyinkaasine loo magacaabay masuuliyiin Cusub.

geele

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.