Xildhibaan Mataan: Weerar Siyaasadeysan oo la igu khaarijin rabay Ayaa la igu soo qaaday, Lakiin waan ka badbaaday.

aacib
Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in dabley hubeysani ay xalay ku soo weerartay hoyga uu ka degan yahay Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan, ayaa xaqiijiyay in dhawr nin oo hubeysan ay xalay laba xabo oo bambo gacmeyd ah iyo rasaasta nool nool, ku soo weerartay hoygiisa, hase ahaatee uu ka badbaaday.

Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa ilaaladiisa ku ammaanay inay iska caabiyeen kuwii weerarka soo qaaday, isla-markaana ay fashiliyeen waxa uu ujeedkooda ahaa.

C/fataax Nuur Mataan oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa waxaa uu weerarkaasi ku sheegay mid siyaasadeysan, ayna ka dambeeyaan siyaasiyiin uu sheegay inay u dhalatay Gobolkaasi Gedo, walow aanu carab dhabin waxa ay isugu jiraan.

Xildhibaan Mataan oo maalmo ka hor uun dib ugu laabtay Degmada Beled Xaawo, ayaa sidoo kale mid siyaasadeysan ku sheegay qarax miino oo maalintii Talaadada lagu weeraray Gudoomiyaha Degmadaasi, Yuusuf Maxamed C/qaadir (Yuusuf Kaanti).

Dhanka kale wararka laga helaayo Degmada Beled Xaawo, ayaa waxay xaqiijinayaan in xurguf aan buurnayn ay u dhaxeyso Siyaasiyiinta kala taabacsan Dowladda Dhexe Somaliya & Maamulka Jubbaland.

Saddex qof oo dumar ah, ayaa ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday hoyga Xildhibaan Mataan, oo ku yaala xaafadda Kabooley, gaar ahaan dhinaca Isbitaalka Khaliil. Sidoo kale waxaa jira askari ka tirsan ilaalada Xildhibaanka oo dhaawac aad u fudud uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.