Magaalada Kismaayo waxaa goordhow gaaray Wafdigii Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ee ka qeyb galay shirkii madasha ee looga hadlayay arrimaha doorasha Soomaaliya ee dhamaadka sanadkan.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid aha Madaxweyne ku xigeynka labaad Suldaan Cabdiqaadir Lugadheere iyo wasiiro ka tirsan Jubbaland.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan Jubbaland oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku xigeynka Jubbaland Fartaag, Wasiir Darwiish, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi iyo xubno kale.
Soo dhawyenta kadib Madaxweynaha Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlai natiijadii ka soo baxday shirkii madasha ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shkirkii madasha, wuxuuna sheegay in madaxda Soomaalida ay hadda kasoo dhalaaleyso masuuliyadda ay hayan.
Hoos ka daawo Sawirada
Leave a Reply