Daawo: Roob ka Da’ay Degmada Baledxaawo iyo Xareeda oo Jidadka Degmadaasi waran.

Degmada Baledxaawo ee Waqooiga Gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka jirtay kuleyl iyo rafaad badan oo ay keentay abaaraha gobolkaaasi guud ahaan ku dhuftay ayaa galinkii dambe ee shalay waxaa ka da’ay roob ay ku diirsaden bulsha weynta re Baledxaawo.

Shacabka ayaa isugu marxabeynayay raxmadda eebe ee ku dul hoortay galinkii dambe ee shalay, roobkaas oo mudada uu socday lagu qiyaasay saacad iyo bar, wuxuuna si wacan u biya dhigay jidadka degmadaasi, oo la arkayay xareeda oo waran.

Sidoo kale degaano hoostaga degmadaasi ayey ka curteen xilli roobaadka Guga, oo sanadkastaa bisha bilowga ilaa dabayaaqada bishani april, inkastoo xilli roobaadkani uu kusoo aaday xilli aad loo sugayay curashada roobabkani.

Hoos ka daawo Sawirada Xareeda oo biya dhigtay Jidadka degmada Baledxaawo.

bh

bh1

bh2

bh4

bh5

bh7

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.