War farxad leh: Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

roob

Roobabkii xiliga guga ayaa ka curtay deegaano badan oo katirsan Gobolka gedo.

Sida uu soo warinaayo Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Shariif Axmed Taajiir waxaa roob ma hiigaan ah uu galabta ka da’ay degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo iyo degaano ku teedsan, kaas oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada deegaankaasi ku dhaqan.

Wariyaha ayaa soo warinaya in sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolka ay ka curteen roobabka Guga inkastoo xogo rasmi ah aan lagahayn deegaanada maadaamaa ay xilli hore tahay.

Shalay sidan oo kale wuxuu roob lagu diirsaday ka da’ay Degmada Luuq Ganaane ee isla waqooyiga Gobolka Gedo.

Maalmihii iyo bilihii dambe waxaa Gobolka Gedo ka jirtay abaar saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Gedo, oo xitaa dadkii ay tahli waayeen in ay gaaraan deegaano ku xeeran degmooyinka ay markaas ka agdhawyihiin.

Waa raxmadii eebe ee ugu horeysay ee Gobolka ka curata, waxayna imaaneysaa maalmo roob doon ah oo ay dadka alle ka baryayeen in uu soo qaboojiyo, tiiyoo u muuqata mid uu alle ka aqbalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.