Idaacad FM ah oo laga furey Magaalada Baardheere muddo 4 sano kadib (Daawo Sawiro)

4 sanno ka dib ayaa mar kale degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa laga furey Idaacad FM ah oo loogu magac darey Radio Markabley,Idaacada Markabley oo ah Idaacada FMka keliya ee hadda ku taala degmada Baardheere ayaa ah Idaacad madax banaan, waxaa dib loo furey 1/3/2016,xafladii ugu horeysay ee loo qabtey Wariyayaasha ayaa 10kii bishan abril waxay ka dhacdey Xarunta Idaacada,waxaana ka soo qeyb galey Boqolaal dadweyne ah.

Idaacadan ayaa waxay shaqeysaa Maalin iyo habeen,waxaana ka baxa Warar iyo Barnaamjyo waxtar u leh dadka deegaanka oo ay ka mid yahiin Casharo diini ah,barnaamijyada Caafimaadka,waxbarashada,Beeraha,amuuraha Qoyska, dhalinyarada iyo isboortiska,hagaajinta nadaafada iyo biyaha, dhaq dhaqaaqa Ganacsiga iyo iibka Xoolaha iyo weliba doodwadaagyo.

Axmed Cumar Saalixi oo ah Agaasimaha Idaacada Markabley oo ka hadlayey xafladii furitaanka Idaacada ayaa sheegay sababta loo furey Idaacada in ay qeyb ka tahay baahi warbaahineed oo ka taagan Deegaanka,isagoona sheegay Idaacadu in ay tahay mid loo isticmaalayo horomarka deegaanka iyo wacyigelinta Bulshada.

“Idaacada ma ahan mid loo isticmaali doono siyaasad iyo wax kasta oo dhib abuuri kara ,waa mid u taagan horomarka bulshada deeaanka,waxaana uu ka codsadey waxgaradka ka soo jeeda Gobolka ee dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan horomarinta iyo qalabeynta Idaacada sidaasi waxaa yiri Axmed Cumar Saalixi oo ah Agaasimaha Idaacada Markabley.

Sawir xafladii furitaanka markabley DSC09491 Idaacad FM Baardheere 1 Idaacad FM Baardheere 2 Sawir Xafladii furitaanka Idaacada Markabley

Yaxye C/risaaq Soofe,Tifatiraha Idaacada Markabley FM.

Email.radiomarkabley2008@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.