Deegaanno kamid ah gobalka Gedo oo ay ka jirto biyo yari baahsan

biyo

Wararka ka imaanaya deegaanno ku yaalla gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay ka jirto abaar aad u daran taasoo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan.

Deegaannada ugu daran waxay ku yaallaan dhinaca degmada Baardheere illaa Ceelwaaq halkaasoo ay ka jirto biyo yari iyo dawo la’aan.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in biyo yarida ka jirta deegaanno hoostaga degmada Baardheere sida Tarako ay sababeen inay deegaanka ka dillaacaan xanuunno.

“Biyo yaridu way na saameysay weli saameyn ay aan wanaagsanyn, dadka waxaa ku dhacanaya xanuunno kala duwan ayuu yiri qof oday ah oo halkaasi ku sugan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay codsanayaan in lala soo gaaro gurmad beni’aadanimo.

Dhowaan deegaanno ku yaalla gobalka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ka curtay roobabka xilliga gu’ga oo ay si weyn u sugayeen dadka halkaa ku dhaqan gaar ahaan kuwa beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ah.

Gedotimes

Xafiiska Garbahaarey

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.