Laamaha Amaanka Puntland ayaa war saxaafadeed kasoo saaray Dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kasoo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Ciidamo Xasan Sheekh halkaas ku Toobabaraayey
WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta.
Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay saraakiishii hoggaaminaysay kooxaha hubaysan, waxaana ka mid ah Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo. Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid, iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliyeed.
Hawlgalka waxaa lagu soo qabtay 101 eedeysane, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ah. Marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka loo haysto dambiyada culus, ehellada dadka dhaawaca ah waxay la wareegi karaan iyagoo raacaya habraacyada ay dejinayaan hay’adaha amniga iyo garsoorka.
Hawlgalka waxaa sidoo kale lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo ay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii Dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga.
Ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, waxaana laga fulin doonaa hawlgallo sharciyeysan oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.
- DHAMMAAD –
Leave a Reply