Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay ciidamo iyo hub ku daabuleyso deegaanno ka tirsan Maamulkaasi.
Dowladada Puntland waxay cambaaraynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wakhtigeedu dhammaaday, oo ciidan iyo hub ku soo daabulaysa deegaannada Dowladda Puntland. Maantay, 4 August 2026, ayey DFS hub kale kasoo dejisay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Gamudug, si ay ugu soo gudbiso dhinaca Puntland balse ay ka hortageen hay’adaha amniga iyo Shacabka Dowladda Galmudug, taas oo keentay iska hor imaad sababay khasaare.
Dowladda Puntland waxay ku bogaadinaysaa Dowladda Galmudug , Ciidankeeda iyo Shacabkeedaba in ay ka hortaageen amni darrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo Gobolka Mudug, iyo in la soo dhexmariyo hub iyo Ciidan lagu waxyeelleynayo nabadgelyada deegaannada Puntland.
Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhexeeya daris wanaag, wada noolaasho bulsho iyo wada shaqeyn maamul oo soo jireen ah, illaalinta amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaanada labada Maamul waa masuuliyad saaran labada dhinacba.
Dowladda Puntland waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la socodsiinaysaa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud, uu colaad ka hurinayo Gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo oo ay si nabad ah kuwa degan yihiin dadka iyo dowladaha walaalaha ah ee Puntland iyo Galmudug, Sidaasi darteed wixii amni daro ka dhasha falkaasi waxaa masuuliyadeeda qaadaya Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday.
Ugu dambayn, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa shacabka Puntland inay ka digtoonaadaan faragelinta amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaannada Puntland, ayna meel uga soo wada jeestaan waxkasta oo dhaawici kara Dowladnimada, ammniga iyo xasilloonida Puntland.
Leave a Reply