Golaha Mustaqbalka oo war kasoo saaray Hub iyo Ciidan Dowladda Ssomaaliya Gaysay Puntland.

shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo war kasoo saaray Hub iyo Ciidan Goluhu sheegay in Dowladda Federalku ay geysay deegaanno ka tirsan Puntland.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa hubka iyo ciidamada uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Xasan Sheikh Maxamuud, ku daabulayo magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo abuuray xiisad colaadeed, khatar hor lehna ku ah nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha shacabka ku nool deegaannada Galmudug iyo Puntland.

​Dagaalkii maanta ka dhashay hubkii loo daadgureeyay degmada Gaalkacyo wuxuu tusaale u yahay halista ka dhalan karta masuuliyad-darrada iyo damaca gurracan ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday oo maalinba maalinta ka danbaysa qaadaya tallaabooyin khatar ku ah dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

​Magaalada Gaalkacyo waxay tobankii sano ee la soo dhaafay ka soo kabanaysay colaado iyo dagaallo sokeeye, waxaase ayaandarro ah in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu colaado hor leh ka hurinayo magaalada, dibna uga abuurayo xasillooni-darro amni.

​Waxaa layaab leh in xilli ay kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay dib ula wareegayso deegaanno dhiig badan ku daatay xoreyntooda, uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday hubkii iyo ciidamadii dalka ka xoreyn lahaa u adeegsanayo in uu xiisado uga abuuro deegaanno nabdoon.

​Ugu dambeyntii, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu maamullada, isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah ugu baaqayaa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida, si wadajir ahna uga hortagaan colaadda uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ka hurinayo Gaalkacyo.

​-Dhammaad-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.