Aqligii ma naga guray?, Garashadii ma eber baa? Ma dawaqay dadkoo idil?
Dadnimadii maxaa helay?.
Intaas oo su’aalahaan waxaa iga keenay xaalka Somaaliya halka uu maraayo iyo damanaanta shacbigayaga, waxaan aad ula yaabay markii aan arkay dad badan oo aad waxgarad isleedahay oo marka khatarta dalku ku sugan yahay ku soo qaadid kugu dhahaya erayo aad kaga nixiya sida maxaa kaagalay!, maxaad ka qaban kartaa?!, Maxaad madaxa iskaga daalinee! Iyo wax ka daran oo kuu muujinaaya dadka aan la hadlayaa in ay quusteen.Ogaada quburo (expertes) shiyeeye baa maskax iyo maalba ku bixiyey in nala seexiyo ama irbad kubaabyo nala ku mudo, bal ila eega arimaha argagaxa leh maanta taagan:-
1-Joogista UAE ee saddexda dakadood Kismaayo,Boosaaso iyo Berbera.
2-Hawsha Yuhuudu waayadaan ka wado Waqooyigalbeed Soomaaliya.
3- Ka dar oo dibi dhal. Dawlada USA oo awalba daaha gadaashiisa hawshaaan ka waday heshiisyada ay lagashay Axmed Madoobe,Xassan Shiikh, Saciid Deni iyo Cabdiraxmaan Ciro oo ku saabsan in saldhigyo mileteri ay Maraykan,Yuhuud iyo Imaaraad ka dhistaan meelaha istiraajigaa ee Soomaaliya sow dhamaadka Soomaaliya maaha?.
Dadka Soomaaliyeedoow dhammaantiin indhaha fura gaar ahaan dadka ku nool Hargeysa,garoowe, Muqdishow iyo Kismaanyo maanta waa dhidii afarta nin ee idin Horfadhiyaa waa idin iibsadeen ee iska badbaadiya oo Soomaali badbaadiya.
Wabilaahi Towfiiq,
Dhiblaawe.
Leave a Reply