Waxaa la yaab ah in aad moodid in dadka Soomaaliyeed dareenkii iyo garashadii ka dhamaatay, sidaas darteedna waxay soo mareen iyo waxa hadda dhacaya midna wax ka faa’idaysaneyn, bal aan cajalka dib u celiyo kuna xiro waxa hadda socda:-
1-1884tii shirkii Barliin ee Soomaaliweyn loo qaybiyey shan qofka madaxa ku ahayn ma’aha mid jira.
2-Sababta 1991dii jilbaha dhulka loogu dhuftay dawladii Soomaaliya awooda badnayd qofka aan garan waa wax aan jirin.
3- Waxa naga dhumay naf iyo maal kan iloobay ma’aha mid garasha leh.
4:- 4.5ka wax lagu qaybsado haddaan garan ujeedada ma abuurnid.
5-Faderaal aan noociisa lagaran waxa nala kugu sameeyey kaan fahmin waa qof aan dhammayn.
6-Siddeed dawladood oo mid walba dhamaystiran tahay iyo kuwa kale oo soo coda ujeedadooda ma isweydiiseen?.
Maxaa cusub oo hadda socda:-
1-Dagaalo micna la’aan oo ka aloosan min Awdal ilaa Jubada Hoose.
2-Yaa Yuhuud u soo diray halka ugu fiican Soomaaliya in ay degto?
3-maxaa hakad geliyey Dagaalkii Argagixisada Alshabaab?
4-Maxaa Mareykan u goostay dhaqalihii uu ku bixin jirey nabad ilaalinta Soomaaliya?.
5- Sow Midoowga Afrika ayyaguna iskuma diyaarinayaan in ay Soomaaliya ka baxaan.
Ugu danbayn in yahuud iyo cadawga soo jireenka ah ee aan lahayn in ay na qaybsanayaan ma aragtaan?.
Waxaa jirta maahmaah Ingiriis ah ee tiraahda (DON’T KILL THE ENEMEY KILL HIS GOAT) oo loo jeedo nolasha iyo dhaqaalaha ka baabi’i, waana xeesha naloo isticmaalay ee sideeda Madaxweyne oo tashan waayey yaanaan waxba ka sugin ee aan is daba qabano.
Wa bilaahi towfiiq,
A.J. Farah.
Leave a Reply