Fadeexad Dul Hoganaysa Xasan Sheekh Soomaalidana Ceeb Ku ah!!!

xasansheekh


Fadeexadahaan oo u qaybsan laba dhacdo oo cajiib ah oo ah wax qof kasta Soomaaliya ka naxo kana xumado inta aanan ka hadlin aan taariikhda dib ugu laabto dhawr iyo lixdankii nin ahaa safiir baa ka qaybgalay shir aan filaayo in ay lahayd Itoobiya ninkaas oo la oran jirey Axmed Yuusuf Ducaale, Axmed Xamar baa looga yeeray markii uu soo duulay ciidan boolisa baa ku sigaayey garoonka diyaarada waana la qabtay toos baana xabsiga loo geeyey maalmo kadib wuxuu ka soo muuqday maxkamad waxaana lagu xukuma 25 sano oo xarig ah,laakiin waa nasiibkiise dhawr sano kadib waxaa dhacay kacaankii 21kii Oktoobar waxaana cafis loo fidiyey wixii xabsiyada ku jirey oo dhan oo uu asagu ka Midka ahaa haseyeeshee Axmed oo markiisii hore ahaa nin caana oo aad bulshadu u jecleyd wuxuu noqday qolof la tuuray meel uu ku dembeyeyna ma sheegi karo.


Haddaba waa sababta ay arintaani igula soo dhacdaye aan u gudbo labada dhacdo oo naxdinta leh:-


1- waa mida hore ee 28/05/2026 Kenya waxaa ka soo muuqday Jibriil oo ah safiirka noo fadhiya Kenya shir Israa’iil lahayd oo ka dhacay Neyroobi kuna saabsanaa suuqgeynta qudrada la yiraahdo Afakaadho oo dalaka loo dhoofiyo ay Soomaaliya ka mid tahay shirkana uu kula jiro Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud,waana sababta ku laliftay danjire Jibriil in uu tago shirkaas oo Xassan Shiikh ku riixay.

Haddii ayan arintu sidaas ahayn oo haddaladii Madaxweynahu Jimchii ka jeedeyey Masaajidka run ahayd danjire Jabriil sow ma mudna ciqaabtii Axmed Yuusuf Ducaale.


2- Tanlabaad oo yaab iyo af kala qaab igu noqotay waa markii aan si aan ku talagal ahayn u arkay calanka xisbiga Xassan Shiikh iyo kan kaniisad caana oo kiristan ah oo muuqaalka guud isku mid ah (background) sababta uu calankaas u qaatayna ay tahay in uu caqiida ahaan rumeysan yahay waana meeshii uu wax ku bartay magaca Kaniisada waxaa la dhahaa Mennite Mission oo Xamar xarun bay ku lahayn jirtey waxaana xiray kacaankii oo waxay ka mid noqotay kaniisadahii dalka ka jirey ee kacaankii albaabada u laabay anigu ma hubo laakiin waa sida Ayadana wararku sheegayaan waxaanse shaki lahayn in labada calan isku egyihiin.


Siyaasiyiinta badan oo baryahaan ka baxayey waa Ila nasiib badan yihiin shacbiga in aan dhaqaale iyo qabiil diintooda wax loogu dhimin ha looga digo qofka
arintaan xaqiiqdeeda raba ha eego labada calan
Wabilaahi towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.