Khayre oo Cambareeyey Weerarka Xasan Sheekh kusoo Qaaday Beesha Murursade

Khayre

Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa cambareeyey weerar caawa ciidamo taageersan Madaxwayne Xasan ku Soo qaadeen Dayniile.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caawa ku soo qaaday shacabka ku nool waaxda Kordamac ee degmada Deyniile. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto dadkii ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen Deyniile, una boogadhayo shacabkii ay ku dhaawaceen.

Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerarayso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda, ciidankii qarankana u adeegsanayso dhulboobka, barakicinta iyo gumaadka shacabka.

Taliska arxanka daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay wuxuu uu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka iyo boobka hantida qaranka. Waxaan ciidanka qaranka uga digayaa in ay ka sii qeybqaataan boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, barakicinta dadka danyarta ah, iyo fulinta damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.