Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay Muddo xileedkii Baarlamaanka inuu dhamaaday dalkuna galay khatar sharci iyo mid dowladnimo oo horseedi karta jahwareer sharci, isla xisaabtan la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed.
Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026, sida uu xaddiday Dastuurka Kumeel gaarka ah ee 2012, gaar ahaan farqadaha 1-aad iyo 2aad ee Qodobka 60-aad, iyadoo ay ahayd in doorashada Xildhibaannada cusub la dhammaystiro ka hor dhammaadka muddada Golaha jira.
Sida ku cad Qodobka 69-aad ee Dastuurka, awoodda dastuuriga ah ee Baarlamaanka waxa ay saldhig u tahay jiritaanka iyo sharciyadda hay’adaha dowliga ah, haddaba iyadoo muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhammaaday islamarkaana aan weli la soo dhisin Baarlamaan cusub, waxaa muuqata khatar sharci iyo mid dowladnimo oo dalku galay, taas oo horseedi karta jahwareer sharci, isla xisaabtan la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed.
Sidoo kale, waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya sida uu dhigayo Qodobka 91-aad ee Dastuurka. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan, lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida iyo dowladnimada dalka.
Leave a Reply