Qoorqoor oo Galmudug Kusoo Laabtay Xili Xaalka Dalku Xun.Yahay

qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb oo muddooyinkii la soo dhaafay uu safarro shaqo kaga maqnaa.

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee caasimadda Dhuusamarreeb ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid, Wasiirro,Xildhibaanno, agaasimayaal maamulka caasimadda iyo qeybo badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Dhuusamarreeb.

imaanshaha Qoorqoor ayaa kusoo aadaya Xili ay dalka ka jirto Qalalaaso Siyaasadeed iyo Xukunkii Dowlada Soomaaliya oo bil.ka.hartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.