Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kaasi oo loo magacaabay Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf, kadib soojeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha JFS.
Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka iyo howlgallada ciidamada qalabka sida ay ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta ah,deegaanka iyo dhir-beerista.
xilka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha waxaa horay u hayey mustafe Dhuxulow.




Leave a Reply