Dabaal Daga La Yaabka Leh ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya ee 2026

ciidan

Maanta waa 12ka Abriil 2026 oo ah Sandguuradii 66xaad oo ka soo wareegtay aasaaskii CXDS oo ahayd maalin qaali u ahayd umadda Soomaaliyeed,waxaana nasiib u yeeshay marka laga soo bilaabo 1961kii in aan munaasibadahaas goobjoog u ahaa maalinba xaajadu sida ay ahayd aniga 80 jir ah.


Saaka markii aan soo toosay waxaan ku waabariistay sida aan ku arkay baraha bulshada maalintaas qaymaha badan ee aasaaska CXDS oo ka socda meelo kala duwan ee dalka.


Haddii aan dib wax u milicsado abaabul mideysan oo isku ujeeda ah baa ka dhici jirey Cassimada Muqdisho iyo gobolada oo lagu muujinaayo sida CXDS diyaar ugu yahay difaaca dalka iyo diinta iyo dadka oo aad moodid in gobolada dalku leeyihiin caasimada Xamar iyo shacbiga Soomaaliyeedu nabad ku seexda annagaa difaac idiin ah Cadawna arki Maysaan.


Saaka xaalku sidaas waa ka duwan yahay ciidanku kii aan niqiin ma aha, shacbigu kaan ogayn ma’aha, gobolada kuwaan arki jirnay uma eka madaxda dalkuna sidii ka badalan.


Sida wax yihiin waa arinta qormadaan igu dhalisay,waa ciil caloolxumo iyo murugo dareen aniga igu dhalisay oo aan xasuustay Maahmaahda (REER BA,AYOOW YAA KU LEH).


Bal Ila eega Xamar iyo Kismaanyo Maxaa kala haysta,Baydhabo Maxaa ka socda,Garoowe Maxaa ka yeeraaya,Hargaysa waaba yuhuudoowday,Dhuusamreeb xagee u socotaa,Jowhar maxay rimantahay?.


Tu kale baa ka sii darane calankii buluuga ahaa oo ay kaligi difaaci jireen maxaa calamada ka dhigay?
Dawlado Kala duwan,calamo aan islahayn iyo Madaxweynayaal kala Gooni ah ma midoobi karaan? Maxay idinla tahay maxaase nala gudboon?

W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.