Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxwayne Xasan oo ka hadlaayey ciidamada ka socda Afrika ee dalka jooga ayaa sheegay inay jiraan ciidamo aan ka mid ahayn kuwa nabad ilaalinta Africa oo Itoobiyaan ah kuwaas oo amniga sugaya.
Leave a Reply