Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.
Hambalyo qiimo badan ayaan u dirayaa dhammaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed; Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaskooda sharafta badan, kuwaas oo mar walba u taagan difaaca dalka, ilaalinta midnimada iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
12-ka Abriil waa maalin muhiim ah oo lagu xusuusto doorka lama illaawaanka ah ee ciidankeennu ay ku leeyihiin difaaca dalkeenna iyo sugidda amniga guud ee qaranka, anigoo taas ka duulaya waxaan u duceynayaa halyeeyadii u shahiiday difaaca dalka iyo kuwa u dhaawacmay iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran.
Ugu dambayn, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa waajibaadka Dastuuriga ah ee loo aasaasay oo ay ugu horreyso ilaalinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, difaaca qaranka iyo dimuqraadiyadda dalka
Leave a Reply