Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Beydhabo ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada Cakarin ee Beydhabo ka jirta.
Shir jaraa’id ah ku qabtay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in kulamo ay la yeeshen dhinacyada kala duwan ee bulshada Beydhabo ku sugan.
Waxaa uu gudoomiye Adan Madoobe sidoo kale sheegay in ay amreen in ay sii shaqeeyaan maamulkii horey ee jiray iyo hay’adihii dowladda ay sii wataan howshooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale ku booriyay wasiiradii dowladdii hore ay xafiiska sii joogaan oo ay sii shaqeeyaan ilaa doorasho ay kak dhacdo oo la helo wasiiradii badali lahaa.
Leave a Reply