Dowlad Goboleedka Koonfuegalbeed Soomaaliya ayaa ka horimid safarka Saraakiishii Ciidanka ee Xamar laga wacay iney ka dhoofaan Baydhabo.
War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ku ogeysiinaysaa dhammaan saraakiisha ciidanka in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16/03/2026, laga mamnuucay magaalada Baydhabo wax safar ah oo dibadda looga baxayo.
Sababta loo soo saaray amarkan:
Sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, Inta ay socdaan howlaha amniga lagu xaqiijinayo.
Amarka Guud Wasaaraddu waxay fartay dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ay khuseyso inay u hoggaansamaan amarkan ilaa amar dambe oo rasmi ah uu ka soo baxayo Wasaaradda Amniga Gudaha.
Leave a Reply