U Diga oo U diga oo Waa Duul Loo Danlee Yahay W/Q Jimcaalr

calan

Wax badan baan horey uga digay Ummadda Soomaaliyeed in dabin waa hore loo maleegay ay ku jirto oo dalaqtiri, magaranaayo sida ay uga badbaadayso oo waxaa aad moodaa in xeero iyo fandhaal kala dhexeen, aakiin dad waxaa u liita nin quustay oo waxun isku Dayi waayey ( CAANA DAATAY DABADOODA BAA LA QABTAA).


Nimanaka maanta dalku gacanta ugu jiro ee la siiyey astaanta dawlado iyo madaxweynayaal wax dan ah oo ay dadka,dalka iyo diinta u hayaan ma jirto,waa adeegayaal cadaw shisheeye ah oo ah kan haadaanta aan ku jirno noo qoday.


Maanta waxaa loo baahan yahay oo kaliya in odayaasha dhanka meel kasta ha joogaan guntiga dhuuqsadaan oo marada dhexda ku xirtaan iskuna dayaan in ay magaca Soomaaliyeed dad,dal iyo diinba badbaadiyaan,way karikaraan haddii ay si daacada uga howlgalaan waxaana loo baahan yahay sidatan:-


1-Odayaasha dhaqanka Muqdisho ku sugan ha iclaamiyeen shirweyne oday dhaqameedyada Soomaaliyeed.
2- odayaasha dhaqanka goboladana waa in ay deg deg ku ogolaadaan.
3-waxa loogu yeeray federaal iyo calamada beenta ah meel ha layska dhigo waa qiyaamo qaran oo shisheeye noo maleegay.
4- Isku daya in aad u samaysaan dawlad dhexe iyo gobolo maamul hoosaad leh oo arimaha bulshada kaliya ku kooban, masuuliyiinta ay soo doortaan Dadka Gobolka.
5- dhaqaalaha shirkaan weydiista ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta, shisheeye yaan waxba la weydiisan ilaa kuwo saaxiibnimo iyo muslimnimo noo caawiya mooyaan shirkina ha ka dhaco meeshii ay suurtagal noqoto


Wabilaahi Towfiiq.
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.