Farmaajo oo Cambareeyey Xariga iyo Dilka loo Gaystay Mooto Bajaajleyda

farmaajo

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Cambareeyey Xariga iyo Tacdiyada loo geystay Mooto Bajaajleyda Muqdisho.

Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho, xilli ay maanta si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee ay la halgamayaan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, waxa ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan, sidaas awgeed waxaan ku adkaynaynaa Dowladda in ay ka waantowdo dhaqannada ay caadaysatay ee cabburinta, xadgudubka iyo xarigga kuwaas oo ay kaga jawaabto tabashada bulshada.

Sidoo kale, Dowladda waxaan ugu baaqaynaa in degdeg loo sii daayo dhallinyaradaas u istaagay xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo ay u dammaanad qaadayaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka, annaga oo ku dhiirri galinayna dhallinyarada Soomaaliyeed in aysan ka niyad jabin hammigooda iyo aamminaadda dalkooda.

Dhammaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.