Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinaysa u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda, ayaa masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku wargelinaysa xoojinta habraacyada amniga gaadiidka, si looga hortago isku dayada naf-la-caariga ah ee kooxaha Khawaarijta.
Iyadoo la dardargelinayo dadaallada joogtada ah ee hay’adaha amniga ay ku bixinayaan ilaalinta amniga iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, iyo ka hortagga falalka foosha xun ee Khawaarijta, Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta dowladda, mudanayaasha Baarlamaanka, iyo xubnaha Golaha Wasiirrada in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 aan la oggolaan doonin masuul wata gaari aan lahayn taargo rasmi ah.
Masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ee kor ku xusan waxaa laga rajaynayaa in ay hay’adaha amniga ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan hubinta, diiwaangelinta, iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah.
Qaadashada taargada gaadiidka waa waajib sharci ah oo saran qof kasta oo wata nooc kasta oo gaadiid ah, waxayna ciidamada ammaanka u sahlaysaa fulinta howlaha xaqiijinta amniga iyo kala soocidda gaadiidka.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay markale adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta, iyo badqabka guud ee dalka.
=DHAMMAAD=
Leave a Reply