Sawiro:Qoorwoor oo dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 60-km

Qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka hawlaha guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa maanta Dhuusamareeb uga qayb galay munaasabadda daah-furka dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo deegaanka Qaradhi, taasi oo dhererkeedu gaarayo 60-KM.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku muujiyay sida ay uga go’an tahay maamulkaGalmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka oo laf-dhabar u ah isku socodka bulshada iyo kobaca ganacsiga, isaga oo xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono isku xirka deegaanada, fududeynta socodka iyo sare u qaadista fursadaha horumarineed ee Galmudug.

Mashruucan dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub, waxaana munaasabadda daah-furla mashruuca ka qayb galay, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.