Sawiro:Soomaaliya oo ku guuleysatay ka mid noqoshada golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika

calan

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada u dhaxeysa 2026–2028, taas oo ah guul taariikhi ah oo muujineysa horumarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dib u soo noqoshadeeda kaalinta ay ku lahayd saaxadda qaaradda iyo tan caalamkaba. Doorashada Soomaaliya waxay ka tarjumeysaa kalsoonida iyo taageerada ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen.

Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharaxnimadeeda. Taageeradan wadajirka ah waxay muujineysaa iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika nabdoon, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.