Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirar muhiim ah oo ka mid ah kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Shirarkaas ayaa waxaa ka mid ahaa labo shir oo heerkiisu sarreeyay oo looga hadlayay Mustaqbalka Qaramada Midoobey, sidii Afrika ay matalaad joogto ah uga heli laheyd. Sidoo kale Madaxweynuhu waxaa uu ka qeyb galay shir gaar ah oo Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu ka yeeshay xaaladda Koofurta Suudaan.
Madaxweynaha ayaa kulan docdeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Koofur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa, Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo madax kale oo ka mid aheyd wafuudii ka qeyb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.






Leave a Reply