Villla Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Safarkii Xasan Sheekh ku Tagay Kismaayo

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo maalnimadii shalay  gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta waxa uu soo gaba-gaboobay wajigii koowaad ee wadahadalladii socday oo laga sameeyay horumar, iyadoo lagu ballamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la isku soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Jubaland soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, isaga oo ku bogaadiyey dareenkooda Soomaaliyeed ee ay u muujiyeen intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaanan soo hadal qaadin in Madaxwayne Xasan iyo Madaxwaynaha Jubbaland Kulan dhexmaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.