Shirkii maanta ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda madasha Samatabixinta ayaa markale dib loo dhigay, iyadoo lagu balamay in dib la iskugu soo noqdo Maalinta Arbacada ee soo socota.
Madasha Samatabixinta ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku dooday in Cutubka 4-aad ee Dastuurka qodobo ku jira loo dhaafo kuwaas oo horey la iskugu ogaa in uu ka tanaasulo oo wax ka bedelkiisii dib uga laabto.
Madaxda Madasha Samatabixinta Bixinta ayaa ku adkeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uusan ku madax adeygin ka noqoshada 4-Chapter4 ee uu ka noqdo wax ka bedelkii uu ku sameeyay.
Leave a Reply