Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.
Ciidamada Xooga dalka ayaa 7 Sano ka hor Bariire, Sabiib iyo Caanoole ka saaray Alshabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macalin Fiqi, ayaa caawa shir jaraa’id kaga hadlay howlgalka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire lagu dilay in ka badan 100 Khawaarij, halka maleeshiyaad kalena lagu qabtay iyagoo nool.
Leave a Reply