Daawo:Wasiir Xoosh “Maamulka Waqooyi Bari Dowladda Federaalka waxa ay siin doontaa taageero gaar ah”

Xoosh

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay xaflad ka dhacday magaalada Laas Caanood ayaa sheegay in dowladda fedetaalka ay gacan ka geysan doonto bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada iyo kan maamulka ee Waqooyi Bari .

Wasiitku waxa uu ka waramay kaalinta dowladda federaalka ay ku laheyd taabagalinta maamulka Waqooyi Bari iyo ahmiyadda uu maamulkaan cusub u leeyahay midnimada qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxa uu u rajeeyay maamulka cusub in ay door muuqda ku yeelan doonaan xasiloonida dalka iyo guud ahaan horumatka dadka iyo dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.