Madaxwayne Xasan oo Xilka ka qaaday Generaal Odawaa iyo Generaal Biixi

dhoore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto lu Magacabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha ciidanka dhulka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ciidamada Qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 19-ka Juun 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.