Wasiirka arrimaha guddaha Soomaaliya oo Lagu Soo dhaweeyey Magaalada Kismaanyo

fiqi

Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaaladda Kismaanyo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad gobolleedka Jubaland.

Wasiirka ayaa waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Kismaayo u yimid Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.