Sadex Qof oo Isku Qoys ah oo Ku geeriyooday Roob Xalay Ka da’ay Baardheere

Baardheere

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa Xalay ka da’ay roob wata Daadad xooggan oo ku soo rogmaday degmada Baardheere, iyagoo Sababay dhimasho iyo Burbur soo gaara Magaalada.

Saddex qof oo isku qoys ah, hooyo, gabadheeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd ayaa ku dhintay daadad xalay ku soo rogmaday degmada Baardheere.

Daadadka ayaa yimid xilli biyo ay jabiyeen qeybo ka mid ah jiinka webiga Jubba, kuwaasoo ku fatahay guryihii dadka deegaanka, isla markaana ay dadka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan.

Dhowr qof ayaa horay ugu dhitay daadad todobaadkii hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.