Dad ku Dhintay Roobab wata Daad oo ka dhacay Degmada Baardheere

Baardheere

Warrarka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya, in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen kadib markii qaadeen daad ka soo rogmaday degmada Baardheere.

Daadka soo rogmaday ayaa ka dhashay roobbab maahigaan ah oo xalay dhawr saacadood oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.

Dad kalena ayaa ku dhaawacmay daaddadka magaalada ku soo rogmaday, iyadoo sedex qof oo kalena wali lagu la’yahay togga ay ku dhaceen.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxa xalay ka da’ay roobka guga, kaasoo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.