Sawiro:Xasan Sheekh oo Baydhabo ka daah furay shirka madasha wadatashiga qaran

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.